Hagaha Xuquuqda Dijitalka & Amniga - Quick Guide
Hagaha Xuquuqda Dijitalka & Amniga

Hagaha Xuquuqda Dijitalka & Amniga

Hagahan wuxuu bixiyaa talooyin wax ku ool ah, agab iyo qalab kaa caawinaya ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed inay si ammaan ah ugaga shaqeeyaan goobaha dijitalka. Waxaa ku jira tilmaamo tallaabo-tallaabo ah iyo talooyin muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta akoonnada, isgaarsiinta ammaan ah, kaydinta xogta, iyo ka hortagga dhibaatada iyo hanjabaadda internetka. Hagaha waxaa lagu daabacay labada luuqadood ee Ingiriisi iyo Soomaali si loo hubiyo in dhammaan la-hawlgalayaasha ay si sahlan u helaan.